top of page
Search

An insight into Parkinson’s Disease in Somalia - Af Soomali

Writer's picture: Ahmed IbrahimAhmed Ibrahim

11 Abriil waa maalinta loo asteeyey xuska cudurka ee loo yaqaan Parkinson’s (waxaa loog magac daray ninkii ugu horeeyey ee wax ka fahma cudurkaan). Parkinson’s waxuu inta badan saameyn ku leeyahay nigra, qaybta maskaxda ee mas'uul ka ah xakameynta dhaqdhaqaaqa. Sidaa daraadeed bishaan waxaa la sameeyaa wacyi galin ku aaddan cudurka iyo sidii dadka la nool ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyo talooyin ku aaddan sidii ay ula noolaan lahaayeen, maadaama uusan cudurkaan lahayn wax daawo ah, marka laga reebo kaalmaati lagu yareynayo astaamaha cudurka.


Soomaaliya oo ah dal aan lahayn kaabayaal caafimaad oo ku filan waxaa ay ka mid tahay dalalka aan xog sax ah laga hayn tirada qabta cudurka, laakiin waxaa hubanti ah in ay jiraan bukaanno aad u badan oo la nool. iSHA ayaa wax ka waydiisay dhakhtar Xaarith Shoolle oo ka hawlgala Isbitaalka Baxnaano ee magaalada Muqdishu kuna takhasusay cudurada Neerfaha wax ku saabsan cudurkaan waxaa uuna yiri “Soomaaliya kama jirto cilmi baaris ku salaysan cudurkaan, bukaannada noogu imaada xarunteenna marka aan baarno kadib waxaan ogaannaa in ay qabaan Parkinson’s, dadkeenna qaarkood way ku adag tahay in ay aqbalaan cudurka gaar ahaan dhallinyarada, dadka waxay noo imaadaan wakhti aan waxba laga qaban karin, waayo; bilowga marka ay isku arkaan calaamadaha horay dhakhtar kalama xiriiraan” Dhakhtar Xaarith waxaa uu intaas raaciyey “Caqabada ugu weyn ee na haysta waa in aan la helin daawada, oo inta badan ay suuqa ka go’an tahay sidoo kale qaali ay tahay, Soomaaliya ma heli karto daawooyinka caalamka laga isticmaalo, sababtoo ah waxaa adag wadada ay daawadu soo mareyso, tusaale daawooyinka Germany iyo UK dalkeenna in ay imaadaan way adag tahay.”


Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado iyo dagaal sokeeye, ma jirto taxadar heer qaran ah oo la siinayo dadka qaba cudurka Parkinson’s sidoo kale malaha xarumo gaar ah oo lagula tacaalo dadka la nool ama lagu xanaaneeyo. Dhakhtar Xaarith waxaa uu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa “Maadama cudurka uusan daawo sax ah lahayn, dawooyinka kaalmaatiga ah ee dalka laga helo kuma filna in ay wada gaaraan, bukaannadeenna ayaga oo gobollo fogfog jooga ayaan uga dhiibnaa daawada Muqdishu.”


Sidoo kale dhakhtar Abubakar Ali oo ah dhakhtar takhasus oo qaabilsan Neerfaha oo ka hawlgala Isbitaalka ex Digfeer, haddana loo bixiyey Isbitaalka Soomaalida iyo Turkiga, ayaa noo sheegay “Dadka qaba Parkinson’s maalin walba ayay noogu imaadaan xarumeheenna, waan la talinnaa, daawo calaamadaha dhintana waa siinnaa, maadama cudurku uusan lahayn daaweyn sax ah. Celcelis maalintii laba bukaan ayaan qaabilnaa, oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka. Murqaha oo adkaada ayaa ah waxa ugu weyn ee ay ka cawdaan, badanaa xilli danbe ayay yimaadaan oo cudurku meel fog gaaray.”


iSHA waxay umadda Soomaaliyeed la wadaagaysaa in bukaannadu helaan wacyigalin caafimaaad, iyo in ay la socdaan xaaladdooda caafimaad. Bukaannadu waa in ay gargaar caaafimaad raadsaadaan isla marka ay isku arkaan calaamadaha gariirka gacmaha, madaxa, lugaha ama qalka, sidoo kale ay dareemaan in xubnahoodu ay adkaanayan sida in socodkoodu hoos u dhac ku yimid ama ay ka luntay dheellitirnaantu. Maadaama dadka qaba cudurka Parkinson’s ay wajahaan xaalad walwal iyo isku buuq waa in ay helaan caawimaad mooraleed.

37 views0 comments

Recent Posts

See All

Comments


  • Instagram
  • Facebook
  • Twitter
  • YouTube

Improving Somali Health Awareness is registered as a company limited by guarantee in England and Wales (Company No. 13774300).

Our registered address: Kemp House, 160 City Road, London, United Kingdom, EC1V 2NX.

©2022 iSHA. All Rights Reserved.

bottom of page