top of page
Search

Soomaaliya iyo xaaladaha qarsoon ee bukaananda kalyuhu fadhiyaan

Writer's picture: Ahmed IbrahimAhmed Ibrahim

Warbixin ay soo saartay 2020kii wasaaradda socdaalka iyo isdhexgalka ee dawladda Denmak, kuna saabsaneyd habka caafimaadka Soomaaliya (Somalia Health System) ayaa lagu sheegay in 5.7% dadka Soomaaliyeed ay la tacaalayaan xanuunnada lala noolaado oo ay ku jiraan cudurada Kalyaha.

Soomaaliya malaha isbitaallo ku takhasusay cilmiga kalyaha, sida in kalyaha laga badalo bukaan, laakiin waxa jira isbitaallo lagula tacaalo dadka kalyahoodu shaqo gabeen oo aan ayaguba awood u lahayn in ay buuxiyaan baahiyha cudurada kalyaha ee dalka ka jirta. Muqdishu ayaa ah magaalada kaliya ee dalka oo dhan looga soo aado cudurada kalyaha la xiriira gaar ahaan kalyo fadhiisiga (renal failure).


Waxaa jirta afar isbitaal oo bixiya kalyo dhaqmo, Isbitaalkii hore ee Digfeer haddana ay gacanta ku hayso dawladda Turkiga ayaa ah xarunta ugu weyn ee lagula tacaalo bukaannada qaba kalyo fariisiga, in ku dhaw 230 bukaan ayuu isbitaalku hadda siiyaa adeegga kalyo dhaqista. Waxaa jira Isbitaallo kale oo bixiya adeegga kalyo dhaqista laakiin aan awood u lahayn bukaanno badan, maadaama aysan haysan mashiinano ku filan, waxaa ka mid ah isbtiaalka Daarusalaam oo ay gacanta ku haysto mu’asasada Hormuud, oo ku yaalla xaafadda Daaru-salaam oo ka baxsan magaalada Muqdishu, sidoo kale Isbitaalka Xawo-cabdi oo asna tiro yar oo bukaanno ah siiya adeegga kalyo dhaqista iyo ugu danbeyn Isbitaalka Dalmar oo dhawaan la dhisay oo asaguna bixiya adeeg aad u xadidan oo kalyo dhaqis ah.


“Labada sabab ee ugu waaweyn ee cudurada kalyaha keena waa cudurka macaanka iyo dhiig karka” sida waxaa iSHA u sheegay dhakhtar Cabdiraxmaan Cabdulqadir Cisman oo ah dhakhar ku takhasusay cudurada guud iyo cudurada kalyaha kana hawl gala isbitaalka Baxnaano, sidoo kale waxaa uu ku daray “ Dadka Soomaaliyeed fikrad khaldan ayay ka aamminsan yihiin kalyo dhaqista, waxay u qabaan in haddii qofka hal mar kalyaha loo dhaqo uusan ka soo bogsaneyn, si ay uga fogaadaan taas, waxaad a kulmaysaa dad ayaga oo u baahan kalyo dhaqis hadana diidaya”.

Dhakhtar Cabdulqaadir waxaa uu sidoo kale iSHA u sheegay” qiimaha kalya dhaqista oo aad u badan, meesha ugu yar halkii mar waa $35, oo ay todobaadkii 2 bar tahay in ay bixiyaan, taas ayaa bukaanno badan ku sababtay in dhaqaaluhu ka xadido in ay aadaan isbitaalada kalyaha lagu dhaqo” dhakhatarku waxaa uu iSHA u sheegay “ wacyi la’aanta dadka Soomaaliyeed, iyo xilli danbe oo la ogaanayo xanuunka ayaa ah caqabada ugu waaweyn ee bukaannada Soomaaliyeed haysta?".


Kaabayaasha caafimaadka dalka Soomaaliya waa kuwo aad u liita, dad badan ayaa geeriyoda ayaga oo aan cidna ogayn, sabab la xiriirta kalyo fariisi, Dadka miyiga ku nool iyo kuwa ka fog goobaaha aysan ka jirin xarumo daryeel caafimaad lagama heli karo warbixinno dhammeystiran.

Dhakhtar Cabdulqaadir ayaa umadda Soomaaliyeed kula dardaarmay dadka qaba cudurada macaanka iyo dhiigkarka qaba in ay si dhaw ula socdaan shaqada kalyahooda, oo ay si joogto ah u hubiyo, haddii kale in ay khatar ugu jiraan in kalyaha ay shaqo gabaan.. cuntooyinka ay ku badan tahay macdanta sida fasforos iyo botasyom waxay uga dari karaan dadka kalyuhu shaqo gabeen, waa in ay iska ilaaliyaan.

iSHA oo u ololeysa kor u qaadista wacyiga caafimaadka bulshada Soomaaliyeed waxaa ay talo ku soo jeedinaysaa:

  1. Dadka Soomaaliyeed waa in ay si joogto ah ula socdaan xaaladohooda caafimaad, oo ay si joogto ah u hubiyaan, kalyaha shaqadoodana la socdaan

  2. Dadka da’ada ah iyo kuwa qaba cuduro kale waa in ay taxadar dheeri ah iyo fiiro gaar ah u yeeshaan shaqada kalyahooda.

  3. In bulshada Soomaaliyeed ay hesho wacyigalin ballaaran oo la xiriirta arrimaha caafimaadka.

43 views0 comments

Recent Posts

See All

留言


  • Instagram
  • Facebook
  • Twitter
  • YouTube

Improving Somali Health Awareness is registered as a company limited by guarantee in England and Wales (Company No. 13774300).

Our registered address: Kemp House, 160 City Road, London, United Kingdom, EC1V 2NX.

©2022 iSHA. All Rights Reserved.

bottom of page